Arbaco, December, 02, 2020 (HOL) - War ka soo baxay kulan magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya ayaa uga digay dowladda Soomaaliya in ay olole siyaasadeed u isticmaasho sida ay hadalka u dhiggeen xiriirka dowladdaha dariska.
Qoraalka ka soo baxay musharixiinta ayaa lagu sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo olole siyaasadeed u isticmaaleyso hoos u dhigista xiriirka Kenya, kaddib markii ay dhawaan dalka ka eriday safiirkii Kenya u joogay Soomaaliya.
Hoos ka akhriso
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]