Tababar u soo xirmay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya
Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Munaasabad lagu qabtay Xerrada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa tababar laguu soo xiray cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab,
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guutto Odawaa Yuusuf Ragge ayaa ka qeyb-galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan.
Tababarkan oo gacan ay ka geysatay Dowladda Mareykanka ayaa socday muddo dheer, waxaana bixinayey macalimiin ka tirsan kumaandooska Danab, iyaddoo taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Odawaa uu salaan sharaf ka qaatay ciidankaan sida gaarka ah loo tababaray.
Waxay soo bandhigeen ciidankaan dhoola-tus heerkiisu sareeyo, kaasi oo ay kamid ahaayeen habka cadawga loo beegsado, difaacu nafsiga, waxaana sidoo kale ay soo bandhigeen dabrid iyo hababka kale ee dagaalka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeya Guutte Odawaa Yuusuf Raage oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidankaan kumaandooska ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadayo cadawga argagixisada Al-shabaab.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]