Dowladda oo sheegtay in ay howlgal ku dishay 11 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab
Axad, December, 06, 2020 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay howlgal ciidamadu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose ku dileen 11 xubnood oo ka tirsanaa xoogagga Ururka Al-shabaab.
Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay marka laga soo taggo xubnahan la dilay sidoo kale howlgalkaasi lagu dhaawacay 6 xubnood oo kale.
Ciidamada ayaa howlgalkan ka sameeyay deegaannada Wala galeen ,Galka S aalimow, Dahaad ,Ceel maracade Garas Gawaan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose, waana deegaanno dhamaantood marka la eego ay ku xoog badan yihiin dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.
Taliye Biixi ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladdu burburiyeen saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab oo ay hubka iyo saanada ciidan ku keydsan jireen.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha dowladda Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]