Isniin, December, 07. 2020 (HOL) - War ka soo baxay hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhamaanba muwaadiniinta Kenyan -ka ah ee imanaya Soomaaliya marka hore Dal ku gal ah ka soo qaataan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.
Hay'adda ayaa sheegtay in ay arintan u sameyneyso xaqiijinta Amniga iyo waliba yareynta khatarta cudurka Covid19, sidaa daraadeed looga baahan yahay dadka ku safraya Baasaboorka Kenyan -ka ah looga baahan yahay in ay dal ku-galka ka soo qaataan safaarrada Soomaaliye ee Kenya.
''Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya Baasaboorka Diblumaasiga ah waxey u baahan yihiin in ay helaan ogolaashaha Wasaarradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga dowladda Soomaaliya'' ayaa lagu yiri qoraalka.
Qooralka ka soo baxay hay'adda socdaalka
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected] :