Hiiraan Online
12/3/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2020
Shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo maxkamad la horgeeyay
Sabti, Juun 13, 2020 (HOL) - Waxaa maanta maxkamad ku taalla Gobolka Banaadir kasoo muuqday shaqaale ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, kuwaas oo loo haaysto eedo la xiriira Musuq maasuq.
Dadka lasoo taagay maxkamadda ayaa waxaa kamid ah agaasimihii wasaaraddaas iyo agaasima waaxeedyo loo haaysto lunsashada hantida wasaaradda, gaar ahaa xilliyadii uu bilowga ahaa COVID-19.
Shaqaalaha ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee loo haaysto musuqa ayaa muddo xirnaa, waxaana la eegayaa cadaaladda ay ka helaan garsoorka dalka.
Walow dadka qaar ay xariggooda ku micneeyeen arrimo salka ku haya is-fahmi waa ' dhinaca siyaasadda ah .
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]