Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.Saraakiisha ciidamad dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cismaan Dhaga-Cadde kaasoo dhinaca warbaahinta u qaabilsanaa.Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku hahay oo maamulka xoogga Ururka Al-shabaab.Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda ee la xiriira dilka sarkaalkan sare.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]