Talaado, November, 10, 2020 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Labo Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerar miino loo adeegsaday oo ka dhacay dulleedka degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.
Askarta dhaawacu soo gaaray ayaa la geeyay goobo caafimaad oo ku yaala degmada Dhuusa-Mareeb, halkaa oo lagu dabiibayo.
Ma jiro wax war ah oo weerarkan miinada loo adeegsaday ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka intaba.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]
.