Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Arbaco, November, 11, 2020
(HOL)-Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa maanta
lagu waddaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa dowlad
gobolleedka Hirshabeelle.
Xilka madaxweynaha waxaa isku soo
taaggay oo ay maanta xildhibaannada kala dooran doonaan Cali Maxamed Xusseen
Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan, halka madaxweyne ku-xigeenkana ay
ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdullee
[Maxamed Dheere]
Xildhibaannada ayaa maalintii
shalay dhageystay khudbadaha musharixiinta oo mid walba uu soo bandhigay wax
khabadkiisa haddii loo doorto xilka uu u tartamayo.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com