Madaxweyne Farmaajo oo isbadal ku sameeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir
Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa is badal kooban
ku sameeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud
Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka
1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi
Wardheere loo magacaabay ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.
Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta
Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta
howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi
Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane
Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xog-hayaha Guud ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan mas’uuliyiintan uu
magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan Qorshaha hormarineed ee laga sugayo,
uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo
waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey
wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]