Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.
Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in qorshahan uu dhaqan galay iyo in kale.
Tallaabadan ayaa timid iyada oo xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gobolka Ismaamulka Tigray-ga kaddib markii Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay howlgal militari.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]