Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo eedeyn culus u jeediyay xukuumadda
Sabti, November, 07, 2020 (HOL)-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda u
jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta Guddiyada Doorashada ee la soo magacaabay.
Wuxuu sheegay in Guddiyada
dowladdu u saartay in ay ka shaqeeyaan doorashada Xildhibaannada Golaha
Shacabka intooda badan yihiin taageerayaasha Baraha Bulshada ee Madaxweyne
Farmaajo iyo xubno kale oo laga soo magacaabay sida uu hadalka u dhigay
xafiiska taliyaha hay’adda Nabad-sugida
Qaranka ee (NISA)
‘’Guddiyadan intooda badan waxaa
laga soo xulay taageerayaasha baraha bulshada ee madaxweyne Farmaajo iyo
xafiiska taliyaha Nabad-sugida, waxaa soo magacaabay agaasime ku-xigeenka
madaxtooyada, waa nasiib darro in doorashada dalka iyo deegaan doorashadeyda
intaba ay ka arimiyaan labo nin oo ilo adeer ah ayuu yiri ‘’ hogaamiyaha
Xisbiga Wadajir .
Dowladda Soomaaliya ayaa
dhawaantan magacaawday Guddiyada Doorashada iyo Xalinta khilaafaadka heer federaal,
iyadoo horeyna maamul gobolleedyadu u soo gudbiyeen xubnihii ka midka noqon
lahaa guddiyadan, taasoo ka dhiggay in wixii hadda ka danbeeya la guda-gali
doono soo xulista Ergada iyo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Balse Hiiraan Online wax cadeymo
ah uma heyso eedeyntan ka timid hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan
Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo horay dalka
xilal uga soo qabtay dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha
Soomaaliya.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya
dhinaceeda wax jawaab ah kama aysan bixin waxa ka jira eedeyntan la xiriirta
habka loo soo xulay Guddiyada Doorashada.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]