Cabdi Xaanshi’’ Guddiyada ay dowladda soo magacwaaday intooda badan waxaa laga soo xulay madaxtooyada iyo NISA
Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha
Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa Qoraal uu soo saaray ku
sheegay in guddiyada ay dowladda u saartay doorashada aan marnaba lagu
kalsoonaan karin.
Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in
guddiyadii loo gudbiyay dowladda dhinac isaga riixday, taa badalkeedana ay soo
magacaawday xubno sida uu hadalka u dhigay laga soo kala xulay xafiiska
Madaxweynaha, kan Ra’iisal Wasaaraha iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA.
“ Guddiyada Dir Waqooyi iyo kuwa
heer federaal ee Dowladda magacaawday intooda badan ma garanayaan beelaha, inta
la gartayna waxaa ay ka tirsan yihiin shaqaalaha madaxtooyada, xafiiska Ra’iisal
Wasaaraha iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka NISA’’ ayuu qoraalkiisa ku sheegay
guddomiye Cabdi Xaanshi.
Waxaa uu ku baaqay in arintan la
soo fara-galiyo dibna soo xulista guddiyada loogu soo celiyo cidda ay quseyso.
Eedeyntan ah in guddiyada ay
dowladdu soo magacaawday laga soo xulay hay’adda nabad-sugida ayaa waxaa horey
ugu jeediyay dowladda hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,
waxaana uu noqonayaa Cabdi Xaanshi Cabdullaahi noqonayaa mas’uulkii ugu
horreeyay ee dowladda ka tirsan islamarkaana ujeediya eedeynta noocan ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo
baxay Cabdi Xaanshi.:
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]