Mahad Guulleed’’ Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu u muuqdaa hoggaamiye Mucaarad ah
Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca
sharciga ah ee u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare
Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo siweyn uga biyo diiday guddiyada doorashada oo ay
dowladdu magacaawday.
Ra’iisal Wasaare ku-xigeennka dalka Mahad Maxamed Guulleed
Khadar ayaa guddoomiyaha Aqalka sare ku tilmaamay in uu yahay hoggaamiye
mucaarad ku ah dowladda inteeda kale, isaga oo intaa ku darray in bilihii ugu
danbeeyayba uu si isdaba joog ah u soo saarayay qoraal dowladda ka dhan ah.
Mahdi Guulleed ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddomiyaha
Aqalka sare in uu fadhiid ka dhiggay golihii aqalka sare oo in muddo ahba aan
kulmin, islamarkaana ay jirto cabasho ay mudanayaashu ka muujinayaan.
‘’Waad arkeysaanoo Aqalka sare muddo ma fariisan, sharciyo loo baahnaa in la laga dooddo oo
ka soo gudbay Golaha Shacabka ayaan laga dooddin, awoodii Golaha Baarlamaanka
ama sharci dajinta ayuu wiiqay ayuu yiri ‘’ Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka
oo eedeyntan u jeediyay guddoomiyaha Aqalka sare.
Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa qoraal shalay ka soo baxay ku
eedeeyay xukuumadda in Guddiyadan doorashada ay soo magacaawday lagu kalsoonaan
karin kuwaa oo sida uu hadalka ku dhigay intooda badan laga soo xulay
xafiisyada dowladda iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]