Doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo dib u dhici karta (Warbixin)
Isniin, November, 09, 2020
(HOL)–Warar soo baxaya ayaa sheegaya suurtagalnimada in dib loo dhigo jadwalka
doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle kaddib markii
la waayay musharax kale oo xilkan kula tartama Cali Cabdullaahi Xusseen ‘’ Cali
Guudlaawe’’ oo dhinaca kale ah sii
hayaha xilka madaxweynaha.
Cali Guudlaawe oo la rumeysan
yahay in ay wadato madaxtooyada Soomaaliya ayaa ilo xog ogaal ah oo u waramay
HOL waxaa ay sheegayaan in musharixiintii kale ee la tarmi lahaa dib uga gurteen
kaddib markii ay ka war heleen in doorashada Cali Guudlaawe tahay mid meel ku
Qoran oo la sii ogyahay.
Doorashada madaxweynha iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu wadaa in la qabto 11ka bishan oo ku beeggan Arbacada toddobaadkan, balse waxaa
dhici karta in Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga doorashada ka wada=hadllaan
in wax ka badal lagu sameeyo jadwalka ilaa inta laga helayo musharax kale oo la
tartama Cali Guudllaawe.
Magaalada Jowhar ayaa wararka
ka imaanaya waxaa ayaa sheegayaan in xubnaha ololaha doorashada musharaxan saacadihii ugu danbeeyay ku howlanaayeen sidii ay u heli lahaayeen
ugu yaraan musharax tartan aan sax aheyn la gala Guudlaawe kaasoo loo sameynayo
balanqaadyo kala duwan.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu
waramayaa in ay gadaal ka riixeyso qorshan socda iyadoo horay ugu guuleysatay
in musharixiintii ay wadatay ku soo baxaan dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed
iyo Galmudug.
Qabashada Araajida
musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta ku eg sida ay horey guddiga doorashada u sheegeen
sidaa daraadeed haddii aysan dhici musharixiin isku diiwaa-galiya doorashada
xilka kursiga madaxweynaha waxey u muuqataa in jadwalka doorasho uu dib u dhac ku iman doono
Madaxweynihii hore ee
Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan sheegay in uu xilkaa iska casilay
ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay dhagaha ka fureysatay sida uu
hadalka u dhigay baaqyo kala duwan oo loo jeediyay, isaga oo intaa
raaciyay in shalay iyo maantaba waddada
loo marayo dhismaha Hirshabeelle tahay mid qaldan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]