Arbaco, October 21, 2020 (HOL) -Cabdulqaadir Xaaji Daahir ( Shiikha) oo ka tirsanaa cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha kubadda koleyga iyo naadigii Badda, haatana ah Tabararaha xulka qaranka ee wiilasha kubadda koleyga iyo Guddoomiyaha Guddiga cayaartooydii hore (Somali Legends) ee qurbaha oo u istaagay taakulaynta walaalaha isboortiga ee ku nool Dalka gudahiisa, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga Mudane Xamza Saciid Xamza isaga oo ugu hambalyaynaya magacaabidda loo magacaabay jagada wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga.
Tababare Shiikha HOL weydiisay sida uu u arko magacaabiddan wasiirka cusub, waxa uu shaqsiyan ka yaqaano iyo waxa uu ku soo kordhin karo horumarka isboortiga ayaa ku jawaabay sidan: marka hore waxaan aaminsanahay in shaqo wanaagsan ay soo qabatay wasiiraddii wasaaradda isboortiga Marwo Khadiijo Diiriye iyo shaqaalaheedii wasaaradda oo ay horumar badan u horseeday dhallinyarada iyo isboortiga muddadii ay xilkan haysay, aad baana u bogaadinayaa hawsha muuqata oo aan la qarin Karin oo ay soo qabteen iyada iyo shaqaalaheedaba .
Dhanka kale waxaa uu ii sheegay in uu aad u yaqaano Wasiirka cusub ee Xamza oo uu ku sheegay inay isku naadi ahaayeen (Dekedaha-Badda) isna uu ciyaari jiray kubadda cagta , waxaana uu ka mid ahaa ciyaartooydii naadiga Dekedaha kuwoodii ugu firfircoonaa, anigana aan ka mid ahaa ciyaartooydii kubadda koleyga ee naadiga Badda , Waxaa uu ku dhashay magaalo xeebeedka Baraawe sannadku markuu ahaa 1955 kii, hase yeeshee waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho, isaga oo halkaasi ka bilaabay ciyaaridda kubadda cagta.. 1972/1973 kii ayuu u saftay gobolka banaadir oo labadaasi sanoba ay ku guulaysteen koobkii kubadda cagta kooxdii gobolka Banaadir oo uu masilayay, waxaana u suuro gashay markii la arkay xirfaddiisa aqooneed ee kubadda cagta in 1974 kii uu si toos ah ugu biiro kooxdii kubadda cagta heerka 1aad ee naadigii Dekedaha oo uu ka tirsanaa ilaa sannadkii 1979kii oo uu naadigaasi uu kala qaybgalay ciyaaro heer caalami ah.Xilligaasi wixii ka dambeeyay ,waxaa uu u wareegay koox ka tirsanayd Emiraatka carabta oo la oran jiray Alshabaab FC oo uu ka tirsanaa ilaa 1980 kii oo ahayd xilliguu ugu dambaysay oo uu cayaaraha ka fadhiisto, waxaana lagu xusuustaa muddadii uu cayaaraha ku jiray inuu ahaa nin deggan ,xirfad wanaagsan, aadna u ixtiraami jiray ciyaartooyda kale.
Tababare Shiikha,Waxaa kale oo uu ii sheegay inuu yahay Wasiir Xamza Shaqsi wax badan ku soo kordhin Kara horumarinta isboortiga Soomaaliyeed oo Booskaasi loo magacaabay uu yahay Shaqsi u qalma oo aqoonteeda leh, horayna u soo Ciyaaray, dareemi kara baahiyaha isboortiga ee ka jira dalka guud ahaantiisa iyo daryeelka ay maanta u baahan yihiin halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka gudahiisa ha noqdaan kuwii u soo ciyaaray naadiyada dalka iyo kuwii calanka qaranka soo difaacay intuba, waxaan marka oran karaa mudane Xamza inuu yahay shaqsigii ugu habboonaa ee loo doorto hoggaanka isboortiga Soomaaliyeed xukuumadihii la soo dhisay wixii ka dambeeyay burburkii ku dhacay dalkeena Soomaaliya, wax badan oo laga gaabiyayna fahmi kara, waxna ka qaban kara.
Ugu dambayntii , aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan dhallinta cuslaatay ee Isboortiga qurbaha (Somali legends), waxaan ku leenahay mudane Wasiir guulayso, garabkaaga Allaha galo, hawshana Allaha kuu fududeeyo Waana ku taageeraynaa wixii karaankeena ah Inshaa Allah.
Siyad S Salah, Hiiraan Online
Minneapolis Minnesota