Sabti, October, 24, 2020 (HOL)-Ajandaha Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya ee maanta oo Sabti ah ayaa noqonaya meelmarinta xukuumadda cusub ee Isniintii toddobaadkii hore uu soo dhisay Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.
Xukuumadda ayaa marka ay heshay codka kalsoonida lagu wadaa in ay dalka ku hoggaamiso doorasho siweyn isha loogu hayo, iyadoo muddo xileedka dowladda hadda jirta ay ka harsan tahay wax ka yar Afar bilood.
Ra'iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa horay u sheegay in xukuumadiisan cusub ay ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii dalka looga saari lahaa marxalada kala guurka loona meel marin lahaa hanaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]