Sabti, October, 24, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay xildhibaannada codka kalsoonida ah oo ay siiyeen xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay gutaan waajibaadkooda Qaran.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]