Xaliimo Yareey oo ku eedeysay maamul gobolleedyada in aysan ilaalin qoondada Dumarka ee guddiyada doorashada
Axad, October, 25, 2020 (HOL) –
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil
Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeysay Dowlad Gobolleedyada in aysan
ilaalin qoondad haweenka ee Guddiyada Doorashada heer Federaal.
Waxey sheegtay in marka laga
reebo maamul gobolleedka Puntland inta kale aysan wax dumar ah ku soo darin
xubnaha ay u soo xusheen ka mid noqoshada guddiyada doorashada.
Laakiin marka la eego wareegtadii
ugu danbeysan ee ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle
Maxamed Cabdi Waare afarta xubnood ee maamulkiisa uga mid noqonaya guddiyada
doorashada waxaa ka mid ah qof dumar.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda
Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in maamul gobolleedyada looga
baahan yahay mar walba in ay ilaaliyaan qoondada haweenka, isaga oo intaa ku
darray in ay jiraan qaar ka mid ah ururrada haweenka oo xiriir la soo sameeyay
kana dalbday in xuquuqdooda la ilaaliyo.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa
sanadihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlanaa ka soo dhax muuqashada masraxyada
siyaasadda dalka iyaga oo ku dagaalamaya in ay ka helaan saami-muuqda hay’addaha
kala duwan ee dowladda.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]