Axad, October, 25, 2020 (HOL)- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu waramayaa in uu gaaray magaalada Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Cumar Carte Khaalib oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii soo maray dalka.
Lama oga in Maxamed Cumar Carte uu iska casilay ama ka tanaasulay xilkii uu ka hayay dowladda Soomaaliya isaga oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, balse Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte uu ka noqday fikirkiisii hore.
Qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Biixi ee lagu saamaxay Maxamed Cumar Carte
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]