1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 26, 2020
Somaliland oo shaacisay inay hakisay shaqooyinkii hay'adda UN-ka ka hayeen degaanadeeda
 

Isniin, October, 26, 2020 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhammaan barnaamijyadii iyo qorshayaashii shaqo ee hay’addaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaanadeeda.

Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland, ayaa soo saartay bayaan ay ku shaacisay inay hakisay wada shaqeyntii ka dhaxeysay UN-ka iyo Somaliland.

Maalintii shalay oo ku beegnayd 25-ka bisha Octobar ayuu go’aankaan si rasmi ah uga dhaqan galay Somaliland, sida bayaanka lagu sheegay.

Somaliland ma sheegin sababta ay go’aankaan u qaadatay.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay heshiis cusub ah la saxiixatay dowladda federalka Soomaaliya, heshiiskaas oo baddali doona heshiiskii hore oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

Heshiiska wuxuu tilmaamayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go'an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030.

Waxaa kaloo heshiiska qeyb ka ah, balse aan saxaafada laga sheegin, in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]