Arbaco, October, 28, 2020 ((HOL) - Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khilaafka kala dhaxeeya Qarramada Midoobey oo Somaliland ay sheegtay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay.
Wuxuu sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay jireen qoraal iyo fariimo kala duwan oo ay u dirayeen hay'addaha Qarramada Midoobey oo ay ka dalbanayeen sida uu hadalka u dhigay qorshe kasta oo la fulinayo loo maro hannaanka aynu u dajinay ayuu sheegay madaxweyne Biixi.Shir ay dhawaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha QM ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland, “inta xal laga garayo”.Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Qarramada Midoobey oo la xiriira warkan ka soo baxay xukuumadda Somaliland.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]