Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in maanta la dhaarinayo xildhibaannada cusub ee dhawaantan la soo xulay.
5ta bisha November ayaa lagu waddaa in la doorto guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xilibaannada.
Guud ahaan marka la eego dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hishabeelle ayaa waxaa ka taagan dood siyaasadeed oo salka ku heysa awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka oo wax ka badal lagu sameynayo
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]