Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar iyadoo dhinaca kalana lagu dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle ayaa magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka Baarlamaanka waxaana guddoomiye u ah xildhibaan Yuusuf Sheekh Xassan Macalin Jeelle.Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa la qaban doonaa 5 bisha November, iyadoo durbaba ay jiraan musharixiin dhowr ah oo daneynaya in ay u tartamaan xilalkan.Hoos ka akhriso magacyada guddiga :
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]