QM, Midowga Yurub, IGAD oo qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay xormeynayaan madax-bannaanida Soomaaliya
Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Qoraal ay wadajir u soo saareen QM Midowga Yurub, IGAD iyo Midowga Africa ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la xaq dhowro madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.
Qoraalkan ayaa imanaya xili dhawaan dowladda Soomaaliya ay u dirtay Qarramada Midoobey qoraal ay kaga dalbaneyso in aan la soo faragalin arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Qoraalkooda ayeey ku sheegeen in ay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda in ay isku tanaasulaan.
Laakiin qoraalkooda ayaa looga digay dowladda dhexe kororsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.
Qoraalka ayaa u dhignaa siddan
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]