Isniin, April, 26, 2021 (HOL) -Qarramada Midoobey ayaa war deg deg ah ka soo saartay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday ee Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada kala taabacsan dowladda iyo mucaaradka.
Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in marnaba xabadda aysan xal u noqoneyn ismariwaaga siyaasadeed ee taaggan, waxaana dhinacyada iska soo horjeeda ay ugu baaqday in ay is xakameeyaan.
Saacadihii magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan mucaaradka oo ka soo horjeeda muddo korarsiga dowladda hadda jirta.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]