Talaado, April, 27, 2021 (HOL) -Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa war ka soo saaray dagaalladii ugu danbeeyay toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xoghayaha guud ayuu sheegay in uu ku booriyay dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”
Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii Axadii toddobaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa soo baxaya baaqyo heer caalami ah oo loo jeedinayo dhinacyada iska soo horjeeda.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]