Hiiraan Online
1/22/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Sirdoonka gobolka Banaadir oo shaaciyay in ay geeriyoodeen labo sarkaal oo Shabaab u qaabilsanaa fulinta qaraxyada
Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Taliska sirdoonka iyo nabad sugida gobalka Banaadir ee NISA ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in ay dhinteen labo sarkaal oo u qaabilsanaa Al-Shabaab Gobolka Banaadir gaar ahaan qaybta Qaraxyada Miinooyinka.
Labadan sarkaal ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Goobe Raage Jiisoow (Daariq) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Howl-galada Qaraxyada Banaadir iyo Shabeelada hoose iyo ku xigeenkiisa Muuse Kooble oo isna qaabilsanaa Qaraxyada.
Sirdoonka Soomaaliya waxay sheegeen in Muuse Kooble iyo 6 nin oo kale oo Miinooyin ka soo qaaday Tooratooroow, ay 28-03-2021 kula qaraxday deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sarkaalka labaad oo lagu magacaabo Maxamuud Goobe Raage ayuu sirdoonku sheegay in lagu dilay dagaalkii Bariire.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in labadan nin ay ku xeel dheeraayeen dhanka Qaraxyada, iyadoo la sheegay in ay ku howlanaayeen sidii ay Qaraxyo uga fulin lahaayeen Muqdisho.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]