Arbaco, April, 07, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa sheegay in saameyn dhaqaale uu ku yeeshay cudurka Covid-19 maamulka gobolka Banaadir , iyadoo hoos uu u dhacay dhaqaalihii u soo xaroon jiray.
Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad uu kala qeybgalay bulshada degmooyinka Xamar Jajab Iyo Xamar Weyne kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada Xamar Jajab.
Waxgaradka labada Degmo ayaa u gudbiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir baahiyahooda iyagoo diirada saaray dhismaha Wadooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sare u sii kacayo dadka uu soo ridanayo cudurka Covid 19, waxaana ay bulshada ugu baaqday in ay ka foojignaadaan khatarta cudurkan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]