Jimco, April, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xukumada Somaliland ugu baaqay in hoos loo eego xaalada Gen: Dollaal, oo la sheegay in uu xabsiga ku dhex xanuunsanayo.
Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad uu xisbigisu u sameeyay musharixiinta ku matali doonta doorashada, ayaa dowlada ugu baaqay in hoos loo eego xaalada Gen: Dollaal oo ah sarkaal katirsan ciidamada millitariga oo xabsiga ladhigay.
“Waxan caawa hoolka hortiisa ku arkay caruurtii uu dhalay Gen: Dollaal, aniga oo og in sharcigu cidkasta ka sareeyo, waxan u soo jeedinaya madaxweynaha in arrintiisa hoos loo eego” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
“Iyagoo caruur tiisu ii sheegay in uu xanuun sanayo, jeelkana la geeyay, cidina sharciga kama sarayso, lakiin madama oo uu yahay nin halgama ah, waxan usoo jeedinayaa in muwadinkaa arrintiisa si gaara loo eego” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xukuumada Somaliland ayaa Gen: Dollaal oo ah sarkaal katirsan millitariga Somaliland xabsiga dhigtay muddo todobaado laga joogo, ilaa hadana xukumadu kama ay hadal sababta dhabta ah ee ka danbaysa xadhiga sarkaal kan.
Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]