Madaxweyne Deni ‘’ Farmaajo si cad ayuu inoogu sheegay in reerkiisa aysan hoostagi doonin Jubbaland
Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL)
– Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay
shir jaraa’id ku qabtay magaalada
Garoowe shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii
doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Deni ayaa ku eedeeyay
madaxweynaha Farmaajo in uu aamisan yahay in uu dalkan gabi ahaanba ku qabsado
sida uu hadalka u dhiggay xoog iyo awood ciidan , isaga oo intaa ku darray in
doorashada Soomaliya kala weyn tahay Farmaajo arinta Garbahaareey iyo in beeshiisu aysan ogoleyn in la hoosgeeyo Jubbaland.
"Shirkii ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb, markii la soo gaaray in laga hadlo arinta gobolka
Gedo iyo Garbahaareey wuxuu nagu yiri Annigu waan baxayaa xitaa wuxuu isku
dayay in sababta shirka uu u burburinayo aan micno u sameyno, isaga oo markaa diidan in laga hadlo arinta gobolka
Gedo iyo Garbahaareey’’ habbeen- barkiina waxaa dhawaaqay nin waqtiyada danbe soo baxay oo Dubbe la yiraahdo wixii uu ku hadlayna waad maqasheen ''ayuu yiri Deni.
Waxaan isku dayay ayuu yiri in
aan xasuusiyo madaxweynaha in waqtigu gabagabo yahay islamarkaana ay soo dhawday 8da
Feberaayo oo ku ek muddo xileedkisia hasse ahaatee waxaa uu iigu jawaabay
ayuu yiri’’ Wax 8da Feberaayo la yiraahdo ma jiraan, dalka hay’addaha
hadda jira ayaa sii shaqey-naya ilaa laga helayo hay’addo kale oo sharci ah oo
badala ‘’Wuxuu ii soo diray talleefoon markii la dhaafay waqtigii muddo
xileedkiisa, wuxuu igu yiri aaway dadkii lahaa waxbaa dhacaya haddii waqtigaa la gaaro, wax dhacay
ma aragtay’’
Saciid Deni ayaa sheegay in dhowr
jeer isaga iyo Axmed Madoobe uu kula diriray madaxweyne Farmajo la kulanka
siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiye’’' Marar badan oo aan Muqdisho tagnay
aniga iyo Axmed Madoobe madaxweyne Farmaajo wuxuu nagula diriray la kulanka
siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiyo, isaga oo markaa noo muujinaya in ay
yihiin dad isaga cadaw ku ah.
Mar uu soo hadal qaaday Deni
dhacadadii 19kii bishan Jimcihii ina dhaafay oo ay ka wada hadleen madaxweyne
Farmaajo ayuu sheegay in madaxweyuhu af buuxa ugu sheegay in cid kasta oo
sharciga ka hortimaada xoog lagu maquuninayo’’ Waxaan ku iri sow ceeb ma’aha in
madaxweynayaal hore iyo Ra’iisal Wasaarihii muddada saddex sano ah kula soo
shaqeynayay aad rasaas iyo ciidan u adeegsato, wuxuu igu yiri cid kasta oo
sharciga ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa’’
Deni ayaa siweyn u weerarray ujeedada laga leeyahay ciidamada
Gorgor iyo Harimocad oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidamo qarsoon oo howlo
gaar ah qabta, laakiin aan loogu tala-galin in ay cadawga la dagaalamaan sida
uu hadalka u dhiggay.
‘’Ciidamadan la leeyahay Gorgor
iyo Harimocade bal dib u fiiriya ilaa iyo hadda meelaha ay ka dagaalameen oo aan
annigu arkay waa Dhuusa-Mareeb, Gedo iyo Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,
Huriwaana lama taggi karo oo Al-shabaab ayaa heysta, waddada Muqdisho iyo
Afgooyana wey xiran tahay oo ma taggaan, ayuu yiri Deni.
Mar uu soo hadal qaaday shirka uu
ku baaqay madaxweynaha ayuu sheegay in magaalada Muqdisho xiligan lafahooda
kala baqayaan, ‘’ bal ka warama haddii hadda taggista magaaladii Muqdisho laga
wiswisayo, oo laga baqayo oo la leeyahay armaa raashinka sun leydiin ku
darraa’’ ayuu yiri Deni oo hadalkiisa sii raaciyay in dalku meel halis ah
marayo.
Beesha caalamka ayuu ugu baaqay
in ay hoos u eegaan xaalada dalka ‘’ Beesha caalamku waxey uga dhagtay fulinta
heshiiskii 17ka September, waxaan leeyahay arintu 17ka September wey soo
dhaaftay 19ka Feberaayo ayaa ka danbeysay’’.
Ugu dambeyn ayuu sheegay
in dalka uu halis ugu jiro in uu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha
caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon
doonin halista Farmaajo la damacsan yahay dalka.
Guud ahaan marka la eego hadalka madaxweynaha dowlad
gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa muujinaya dhinacyada
Soomaaliya ku sii kala fogaanayaa heshiis laga gaaro khilaafka doorashada.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]