Axad, Feberaayo, 28, 2021 (HOL) - Qaraxa oo jugtiisa siweyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Isgoyska KM4 gaar ahaan waddada gasha safaaraddii hore ee Turkiga agagaarka xaruntii hore ee madaxtooyada Cabdiqaasim.
Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo goobta taggay ayaa markiiba xiray taasoo keentay in uu istaago isku socodkii dadka iyo gaadiidka.
Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa dhowr la sheegay in ay taggeen goobta iyaga oo halkaa ka qaaday dad ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxan
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]