Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir
Talaado, Feberaayo, 09, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir mar kale isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir kaasoo ka furmaya 15ka bishan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland.
Shirkan ayaa la sheegay in loo arinsanayo fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii September 2020.
Kulanka mar kale uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya kaddib markii dhowr cisho ka hor lagu soo kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb ee madaxdu uga wad hadlayeen arrimaha doorashada kaddib markii leysku khilaafay arinta gobolka Gedo oo dowladda dhexe iyo Jubbaland wali isku mari la'yihiin.
Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoonka Golaha Shacabka
Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo guddoonka Golaha Shacabka ka wada hadlleen xaalada dalka dhaqdhaqaaqyada sideed ee socda, iyadoo maalinta berri ah dhinaca kale lagu waddo in Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya uu hortago Baarlamaanka.
Kulanka uu ku baaqay madaxweynaha ayaa imanaya xili muddo madaxweynuhu uu ku ekaa 8bishan Feberaayo, oo ku dhan afar sano kaddib markii xlkan loo doortay.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]