Dagaal culus oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose
Axad, Janaayo, 10, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa.
Dagaal oo ah mid culus oo saameyn ku yeeshay inta badan xaafadda degmada ayaa ka bilaawday xaafadda lagu magacaabo Muuri, kaddib markii la sheegay in labada dhinac isku maandhaafeen isbaaro la shiggay gudaha degmada.
Axmed Cabdi Maxamed oo qeyb ka ah dhinacyada dagaalamaya ayaa sheegay in ay n uu soo weeraray guddoomiyaha degmada Walanweyn oo ciidamo wata
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ciidamada militariga dowladda ee ku sugan degmada isku dayeen in ay arinta soo fara galiyaan laakiin waxba ka qaban waayeen.
Ma jiro wax war ah oo laga hayo dhinaca guddoomiyaha degmada ee eedeynta loo jeediyay.
Wanlaweyn waxaa marar badan oo hore sidan uga dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo u abaabulan hab beelleed.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]