Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) - Madaxeynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa qoraal uu maanta kusoo daabacay bartiisa facebook wuxuu ku sheegay in mushaarka ciidamada Puntland la gaarsiiyay heerkii ugu sareeyay abid.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay askari walba inuu mushaarkiisu ahaandoono $250, halka uu markii hore ka ahaa %70.
“Askariga mushaharkiisu wuxuu ahaa $70, hadda waxaan gaarsiinay mushaharka Askariga $250 oo cuntadii ugu jirto, si aan mooralkooda kor ugu qaadno, Saraakiishuna intaasi ka badan oo darajadooda ayeey ku mushahar qaataan,” ayuu yiri madaxweyne Deni
Haddii ay tallaabadan sidaan ku dhaqan gasho wuxuu madaxweyne Deni noqondoono madaxweynihii ugu horeeyay Puntland ee mushaar intaas le’g siiya ciidamada, iyadoo la ogyahay in marar badan ay ciidamada Puntland ka caban jireen mushaar la'aan kadibna sameyn jireen gadood ciidan.