Hiiraan Online
11/6/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Puntland oo sheegtay in aysan aqoonsan doonin heshiisyada ay gasho hay'adda batroolka Soomaaliya
Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Puntland ayaa kasoo horjeesatay in hay’adda batroolka Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority”, ay gasho heshiisyo caalami ah oo ku saabsan arrimaha shati bixinta shidaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka tamarta iyo macdanta Puntland, ayaa lagu sheegay in aysan Puntland aqoonsanayn heshiisyada iyo shaqada xaruntaasi oo ay tilmaamtay inuu waqtigeeda ku ekaa 8, February 2021.
Puntland waxay u soo jeedisay shirkaddaha daneenaya Soomaaliya inay ka qaataan Shatiyada sahminta shidaalka dowladda cusub ee imanayso, taasoo awood u leh in ay ka shaqeyso maamulka kheyraadka, iyadoo heshiis lagu wada yahay.
Hay’adda batroolka Soomaaliya ayaa 29 ka bishii june kordhisay waqtiga soo gudbinta codsiga shatiyada arrimaha shidaalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka Puntland.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]