Hiiraan Online
11/6/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Jun 1 , 2021
Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland oo beeniyay in Puntland qabsatay sanaduuq doorasho
Talaado, Juun, 1, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay sheegashada Puntland ee ah in ay sanaaduuq doorasho qabatay.
Wasiirka ayaa sheegay in u jeedada ciidanka Puntland ay carqalad abuur ahayd laakin anay jirin sanaduuq ay qabsadeen.
"Wax ka jiraa majiraan, waa kuwii maamulka gobolka sanaag ka hadleen, nimankaasi niman carqalad abuuraya ayay ahaayeen, marka arrintasi way dagantahay wax dhibihina kama jiro" ayuu yidhi.
Ciidamada Puntland, ayaa maalintii shalay ku andacooday in ay qabteen sanaduuq ay ku jiraan kadhadhka codaynta Somaliland.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
[email protected]