Hiiraan Online
11/5/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Mar 20, 2021
Dowladda Soomaaliya oo shaaciyay in shirka wadatashiga uu ka dhicidoono xerada Xalane
Sabti, Maarso, 20, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa sheegay in shirka madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay uu ka dhicidoono xerada Xalane ee ciidamada cirka.
Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu aad uga xun tahay in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulaan xisbiyo doorasho diid ah oo uu sheegay in ay dalka dib ugu celiyaan jiho qaldan.
Cusmaan Dubbe wuxuuu caddeeyay dowladdu in ay diyaar u tahay in si degdeg ah dalku doorasho u aado iyadoo lagu dhaqmayo heshiiskii 17 september oo ay labada aqal meel mariyeen.
Wuxuu sheegay shirka iyo ajendihiisa in ay dowladda maamulayso uuna socondoono maalmaha isniinta iyo talaadada soo socda.
Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya xilli labo kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay dalbadeen in shirka lagu qabto meel ammaan ah oo ka madax bannaan dowladda.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]