Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday xaafaddo ku dhaw dhaw xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan ku dhaawacmeen ilaa shan ruux kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan lagu weeraray xaafaddaha ku dhaw dhaw aaga Xalane ayaa imanaya xili ay halkaa ka socdaan kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]