1/21/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Villa Soomaaliya'' Baaqa madaxweyne Farmaajo carqalad kuma ah wada hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka

 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn ka timid xubnaha mucaaradka gaar ahaan Midowga Musharixiinta oo sheegay in shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo uu carqalad ku yahay wada hadallada Ra'iisal Wasaaraha iyo mucaaradka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Xaanshi ayaa sheegay in shirka uu madaxweynuhu ku baaqay qeyb ka yahay dhameystirka hannaanka doorasho ee dalka, iyadoo laga anbaqaadayo heshiiskii Baydhabo ay ku gaareen guddiyadii kala matalayay dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada.

Wuxuu sheegay in shirkaasi uusan marnaba carqalad ku aheyn dadaallada Ra'iisal Wasaaraha oo awood u leh ayuu yiri in uu cid walba kala fariisto sidii looga heshiis lahaa muwaadiicda waaweyn ee leysku hayo.

''In shirka uu ku baaqay madaxweynaha uu Muqdisho ka furmo marnaba caqabad kuma aha dadaallada dhinaca kale ee socda ee Xukuumadda waddo, balse waxaa la oran karaa waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay ay rajo wanaagsan ka qabaan in shirkaasi uu dhaco, madaama ayuu yiri madaxweynuhu tanaasulaad weyn uu ka sameeyay arrimihii ugu waaweynaa ee leysku hayay'' Mar haddii madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

Hadalka afhayeenka ayaa imanaya xili uu shaki weyn ka jiro qabsoomida shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay, madaama labada madaxweyne dowlad gobolleed Puntland iyo Jubbaland sheegeen in wali aysan ku qanacsaneyn hannaanka uu wax u maamulayo madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]