Isniin, May, 10, 2021 (HOL) -Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay saldhiga degmada Waabari ayaa sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa lix ruux oo ay ka mid ahaayeen labo taliye ciidan.
Taliyayaasha ku geeriyooday qaraxa ayaa kala ahaa taliyihii saldhiga degmada Waaberi Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane iyo Taliye kuxigeenkii Waliyow Cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey.
Mas'uuliyada weerarkan waxaa sheegtay in ay ka danbeeyeen Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ee gacanta ka siinaya sugida Amniga.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]