11/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Kiiska dilkii guddoomiyihii Hodan oo la soo gabagabeeyay iyo xukun laga soo saaray

 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta  xukun ku riday Eedeysanayaal loo heystay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore degmada Hodan  Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise Dhagajuun.

Dhageysiga Dacwada loo heystay  kiiskan rag  gaaraya 6 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska soomaaliyed oo  uu ku jiro Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo martay marxalado kala duwan, iyadoo Maxkamadda ay ka hor hadleen raggaas iyo Guddiga baarista kiiska.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Taliyihii hore ee Booliska degmada Howlwadaag Gaashaanle Boolis Shuceyb Cabdi Maxamed ku riday xukun ah Shan Sano oo xabsi Ciidan, halka dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi oo baxsad ah ayaa isna lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ah .

Maxkamadda ayaa sidokale min 2 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday eedeysanayaasha kala ah Jamaal Isaaq Cali, Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf, Faarax Sabriye Afrax iyo Kulmi Kaariye Cali, kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan Ciidanka Booliska soomaaliyed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]