Hiiraan Online
11/5/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, May 30, 2021
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay heshiiskii doorashooyinka Soomaaliya
Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyey heshiiskii khamiistii ay wada gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ku saabsan hirgelinta Qaabkii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.
War-saxaafadeed ay sii daayeen, 15-ka xubnood ee golaha ammanaka qaramada Midoobay ayay ku bogaadiyeen hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya oo muujiyay bisayl iyo tanaasul loogu turayo shacabka.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen ballanqaadkii ahaa in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, lana xushmeeyo qoondada haweenka ee ah 30% baarlamaanka.
Golaha ammaanka wuxuu ku booriyay dhamaan dhinacyada inay sii wadaan wada hadalka furan iyo wax dhisid. Waxayna soo dhoweeyeen in la sameeyo hannaan nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka doorashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]