Arbaco, May 05, 2021 (HOL)-Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo shir ku leh teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ayaa ka wada hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka
Kulanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhaxmara wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra'iisal Wasaare Rooble tan iyo markii lagu wareejiyay mas'uuliyada doorashada dalka.
Sidoo kale kulanka ayaa imanaya xili Baarlamaanka Soomaaliya uu dhawaan dib uga laabtay go'aankii muddo kordhinta labad asano oo ay siweyn wakiilada beesha caalamku ugu riyaaqeen.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]