Jimco, May, 07, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariisteen Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo xalal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka isaga danbeeyay.
Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa horay u soo noqday Ra'iisal Wasaare ku-xigeen, Wasiir arrimo dibadeed xildhibaan iyo waliba safiir
Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda ugu sarreya dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]