Taliyaha booliska Somaliland oo si adag ugu hanjabay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada
Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada
Somaliland, ayaa maanta sheegay in hanjabaad iyo baahdil uu kala kulmay taliyaha
booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-Gale).
Xildhibaanka oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa
ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha uu muran ku dhex maray xarunta dambi baarista
ee CID, kaddibna taliyaha uu ku yiri “Iska tag annagaa kuu gelineyna shaar kula
eg, kaddibna naqaana halka aan ku geyn doono”.
Mudane Abiib ayaa is-weydiiyay halka taliyaha uu geyn doono,
kaddibna raaciyay in taliyaha la weydiin doono haddii isaga la waayo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in gelinkii dambe ee maanta uu tegay
xarunta dambi baarista ee CID-da si uu usoo oggaado halka ay mareyso baarista
dad laga soo xiray deegaan doorashadiisa iyo hoggaanka CID-da in uu ka codsado mid kamid ah wariyayaasha ku xiran saldhiga dhexe oo xanuunsanaya loo soo
wareejiyo CID-da.
“Markaan kasoo baxay xarunta
waxaa iga horyimid taliyaha booliska iyo taliyaha RRU-da, kaddib taliyaha ayaa
igu yiri: Maxaad kasoo doontay halkan, ma hooyadaa baa leh? Waxaan ugu
jawaabay maya ee waxaa leh qaranka? Markaas ayuu iisii raaciyay adiga ma waxaad
tahay qaranka? Waxaad cadow ku tahay Somaliland? Mana soo geli kartid xaruun uu
leeyahay booliska”. ayuu ku sheegay shirkiisa.
Waxaa uu taliyaha ka codsaday in uu la yimaado
caddeyn ku aadana halka uu ku noqday “Cadowga Somaliland”. Mudane Abiib ayaa shirkiisa
jaraa’iid ku caddeeyay in garyaqaan Xuseen Shabeel uu kamid ahaa ku dhowaad 30
qof oo ku sugnaa goobtii murankaasi uu ka dhacayay.
Garyaqaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu
aad uga xumaaday ficiladii taliyaha ciidanka booliska, isla markaana lagu
tilmaami karin ficilo masuuliyadeed.
Waxaa uu xusay in marar badan uu isku dayay in taliyaha uu
xusuusiyo masuuliyadiisa, balse uusan dhegeystan, laakiin beddelkeeda uu ku
guuleystay in uu xakameeyo xildhibaan Maxamed Abiib oo la socday
“Waxaan ka xasuustaa hadalada taliyaha in uu lahaa waxaan
kuu xireynaa shaar kula eg, waad kibirsantahay, mana tihid Somaliland ee waxaad
tahay cadowgeeda”, ayuu yiri garyaqaanka.
Garyaqaanka ayaa sheegay in muddo 20 sannadood ah uu kusoo
jiray garsoorka, balse uusan waligii soo arkin taliye u dhaqmaya sida Maxamed
Aadan Saqadhi.
“Xarunta CID-du waa meel u shaqeysa dadka, mana ahan meel
qof loo diidi karo. Taliye Maxamed ka hor waan geli jirnay, haddana waan
geleynaa”, ayuu sii raaciyay.
Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, wali
kama uusan halin eedaha culus ee loo jeediyay.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]