Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dibadda ah u ambo baxay
Axad, April, 24, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar hal maalin
qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Raysal wasaare Rooble ayaa dalkaas uga qeyb galaya shir
caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna
diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Soomaaliya.
Kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax
sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra'iisul
Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee
dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inay la go’an tahay in
indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee Soomaaliya ka
taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Saddex sano oo roob la’aan ah, Soomaaliya waxaa ka taagan
abaartii ugu darneyd muddo ka badan 40 sano ah. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay
in ay xaalado aad u daran ku sugan yihiin in ka badan 6 milyan oo Soomaali ah,
kuwaas oo ay abaartu saameysay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]