Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday dalka Jabuuti
Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Taliyihii hore ee ciidanka booliiska Soomaaliya, Jeneraal
Jaamac Maxamed Qaalib, ayaa ku geeryooday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Marxuunka oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay
dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, ayaa u geeryooday sida ay wararku
sheegayaan xanuun dhanka wadnaha ah. Waayadii dambe waxaa uu macallin ka ahaa jaamacadda Ummadda ee Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada
iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal
Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.
“Innaa lillaahi wa
innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac
Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo
adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii
Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii
dowlad-dhiska Soomaaliya.”
Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sannadkii 1933-dii ku dhashay deegaanka
Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag. Wuxuuna booliiska ku biiray bishii April
sannadkii 1955kii.
Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay
Machadkii Tababarrada ee Sheekh, ka dibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii
Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.
Bishii May ee sannadkii 1962-kii, Jaamac Maxamed Qaalib waxa loo
magacaabay Madaxa Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed. Jaamac Maxamed
Qaalib, waxa loo magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed bishii
February ee sannadkii 1970kii.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]