Xildhibaanno galay Teendhada Afisiyooni oo ku baaqay in xildhibaannada kale ay yimaadaan
Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la
filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.
Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha
galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan,
isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha
Shacabka.
“Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan
leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga
rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri.
Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan
la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii
galay Teendhada.
Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada,
kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in
ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne
Farmaajo.
Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in
doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee
Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin
doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee
lagu gelayo madasha doorashada.
Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka.
Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in
geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay
doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee
qabsooontay 26ka Abriil 2022.
Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay
is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii
hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka
doorashada.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]