Rooble: Labada aqal ee barlamaanka waxaan ka codsanayaa inay dalka ka badbaadiyaan doorasho dambe oo dadban
Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa
barlamaanka labadiisa aqal ugu baaqay inay dalka ka badbaadiyeen soo laabashada
doorasho dad ban, si buu yiri dalka looga badbaadiyo in cid gaar ah awoodda la
siiyo.
“Doorashada hadda dhacday oo aan aniga hoggaaminayay waligey
imasoo marin midaan oo kale. Sidii la rabaa laga yeeshay. Wixii dhacayna
marqaatiyaa ka tihiin. Doorasho dadban oo wada qalloocan ummaddu mid ay kusii
jiri karo ma ahan,” ayuu yiri raysal wasaare Rooble.
Raysal wasaaraha waxa sidoo kale uu sheegay, in dalku amni
ahaan uu ku sugan yahay meeshii ugu xumayd, taasoo sida uu sheegay ciddii
masuul ka ahayd inay ku mashquushay dano gaar ah oo doorasho.
Rooble Rooble wuxuu ku baaqay in laga fikiro cidda
madaxweynaha noqonaysa, lagana waan toobo in dad talo xun oo isu aragta mulkile
ay talada dalka wax ku yeeshaan.
Raysal wasaaraha ayaa dalkaan ka sheegay isagoo xalay ka
qeyb galayay dood arrimaha doorashada ku saabsanayd oo twitterka lagu qabtay.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]