Beesha caalamka oo soo dhoweysay doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya.
Jimco, April, 29, 2022 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay doorashooyinkii guusha
kusoo idlaaday ee loogu tartamayey
guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil
2022.
Waxay beesha caalamka u hambalyeysay guddoomiyeyaasha iyo
Guddoomiye Ku-xigeennada la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah
xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah.
“Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid
soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka
baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta
ka geystay dhamaystirka doorashadan,” ayay tiri beesha caalamka.
Beesha caalamka ayaa ku boorisay barlamaanka labadiisa aqal
in doorashada Madaxweynaha lagusoo dhameeyo si dhakhso leh oo lagu kalsoonaan
karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha
mudnaanta u leh shacabka.
Xalay ayay ahayd markii lasoo gabagabeeyay doorashadii
guddoonka barlamaanka Soomaaliya, kadib markii la doortay guddoomiye ku
xigeennada barlamaanka.
Sabtida, labada aqal ayaa ka shiridoona doorashada
madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la diyaarindoono guddiga qaban doorashada doorashada
madaxweynaha Soomaaliya.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]